Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar khasaare geystay oo xalay ka dhacay deegaanka Mareergur oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kaas oo ay fuliyeen kooxo hubeysan.

Kooxda weerarka fulisay oo wadataygaari nooca raaxada ah ayaa rasaas ku furtay dad shacab ah oo ku sugnaa goob maqaaxi ah, sida ay noo sheegeen dad ku sugan Mareergur.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 kale oo dhammaan ahaa dad shacab ah.

Wararka qaara ayaa sheegaya inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi, waxaana haatan socda baaritaano lagu baadi goobayo

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaano ka tirsan Galgaduud ka taagnaa xiisado dagaal oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleedyo, taas oo loo sababeynayo weerarkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this