Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Jabuuti oo ballan qaad u sameysay Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Jabuuti ayaa la kulmay wasiirada wasaaradaha amniga, arrimaha gudaha iyo taliyeyaasha ciidamada ee wadankaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimo dhowr ah, sida amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa intii uu soday shirkan lagu soo qaaday sidii ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISIOM ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgallada ka socda deegaanada maamulka Galmudug, kuwaas oo lagu doonayo in lagu qaado Al-Shabaab.

Wasiirada Jabuuti ee kulan joogay ayaa ballan qaaday dowladda dalkaasi ay xoojin doonto taageerada ay siiso dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Qoor-Qoor ayaa sidoo kale dhowaan kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Musane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.

Jabuuti ayaa waxaa ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, iyaga oo saldhig weyn ku leh magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

QOOR2-1.jpg qorqor-jabuti.1.jpg qorqor-jabuti2.jpgqorqor-jabuti3.jpg

The post Sawirro: Jabuuti oo ballan qaad u sameysay Galmudug first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this