Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaasiin Aways oo sabab la yaab leh loogu dilay magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil maanta nin shacab ah loogu geystay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Marxuumka oo ahaa xoogsato ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Yaasiin Aways Maxamed, kaas oo deegaan ahaan ka soo jeeday magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya inuu toogtay nin ku hubeysnaa bistoolad, kaas oo u dilay sabab la xiriirta jidka oo xirmay ama ciriiri ahaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu baxsaday ninkii ka dambeeyey falkan, kaas oo haatan ay ku raad-joogaan ciidamada ammaanka ee Puntland.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay sarraakiisha laamaha amniga Garoowe oo ku aadan dhacdadaasi, waxaase haatan socda baaritaano dheeraad ah.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal iyo dhac loo geysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaaladaasi.

The post Yaasiin Aways oo sabab la yaab leh loogu dilay magaalada Garoowe first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this