Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo dib u eegaysa heshiiskii Soma Oil & Gas

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Wararka PP) — Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa ka welwelsan sharcinimada heshiisyadii ay la gashay shirkaddii Soma Oil la oran jiray oo uu Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, saami ku lahaa.

Dhowaan waxaa soo shaac-baxday in Soma Oil & Gas yeelatay magaca Coastline Exploration. Sida ku xusan bogga Internetka ay shirkaddu ku leedahay waxaa Coastline Exploration la asaasay sanadkii 2018kii, shan sano kaddib markii heshiisku dhex maray Soma Oil iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

May cadda sida danihii ganacsi ee Soma Oil & Gas  ugu wareegeen Coastline Exploration oo aan ahayn shirkad jirtay oo magac cusub yeelatay ama shirkad jirtay oo iibsatay shirkad kale.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ilaa hadda may bayaaminin saamaynta isbeddelka magaceed iyo maamul ee Soma Oil & Gas ku yeelan doono heshiisyadii hore. Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa dhowr bilood ka hor u sheegay Laanta af Soomaaliga ee BBC in shidaalka ay Soomaaliya suuqgeynayso uusan ku jirin dhul badeedka Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin.

15992436341831100012.png?resize=602%2C34Xasan Cali Kheyre, Ra’iisal Wasaare hore, wuxuu mar ka tirsanaa madaxda Soma Oil & Gas.

Dowladda Biritayn, oo kaalin mug leh ku lahayd ka saaristii Soomaaliya ku tiirsanaanta hey’ado  siyaasadeed ku meelgaarka ahaa si shirkadaheedu ula tartamaan shirkadihii Soomaaliya heshiisyada la galay ka hor 1991kii, waxay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya inkastoo dalku leeyahay dowlad aan dalka oo dhan ka talinin, lana jaanqaadi karin shirkado shidaal oo ay quwado waaweyni daba taagan yihiin.

15992436341831100011.png?resize=602%2C33Shirkado dhowr ah baa ku tartamaya shidaalka xeebta Soomaaliya ku jira.

Dad badan baa qaba in Sharciga Shidaalku uu u danaynayo shirkadaha Dowladda Federaalku la gashay heshiisyada aysan fulintooda  iyo saamayntooda aad ula soconin.  “Soomaaliya waxay ka faa’iidi kartaa kheyraadkeeda haddii madaxdeedu indho-furan yihiin oo ka hufan yihiin dano gaar ah, haddii kale habaarka kheyraadka baa nagu habsan doona” buu Puntland Post u sheegay Aadan Daahir, oo ku xeel-dheer heshiisyada shidaalka. Ilaa hadda Dowladda Federaalku may ka hadlin isbeddelka ku dhacay shirkaddii Soma Oil & Gas.

Wikipedia waxaa ku qoran in Soma Oil & Gas  weli tahay shirkad loo asaasay inay Soomaaliya shidaal ka sahmiso iyo inuu Alexander Djaparidze, bilyaneer Ruush ah, taageero shirkadda maaliyad ahaan.

Bogga Internka Soma Oil & Gas ku leedahay muu shaqaynayo. Waxaa jiray eedeymo loo soo jeediyay Soma Oil ku saabsanaa wax isadabamarin. Xafiiska Wax-isdabamarinta Ba’an (Serious Fraud Office) ee Biritayn ayaa baaritaan ku sameeyay shirkadda, waayayna caddayn in shirkaddu ku kacday eedeymaha baaritaanka dhaliyay.

Guddoomiyahii hore ee Xisbiga Muxaafidka Biritayn, Michael Howard, ayaa ka tirsanaa maamulka Soma Oil & Gas. Alexander Dzhaparidze hantidiisa waxaa lagu qiyaasay 1.2 bilyan oo doollar. 

Sharciga Batroolka, oo sal u noqon doona iibinta ceelasha laga helo xeebta Soomaaliya, muu caddaynayo sida shirkadaha iyo Dowladda Soomaaliyeed u wada shaqaynayaan haddii su’aalo ka yimaadaan heshiisyada la wada galay.

15992436341831100013.png?resize=602%2C27Alexander Dzhaparidze: Maalgeliyaha Shirkaddii  Soma Oil & Gas.

Welwel kale wuxuu la xiriiraa kartida maamullada Soomaaliyeed ku maarayn karaan lacagta ka soo xeroon doonta iibka ceelasha shidaalka haddii Dowlada Federaalku aysan awood u lahayn baarista maamulka musuqmaasuq lagu soo eedeeyo. Sida Financial Times uu qoray sanadkii hore, lacagaha ka soo bixi doona shidaalka Soomaaliya waxaa loo adeegsan doonaa dib u dhiska Soomaaliya. Ma aha go’aan ay siyaasiyiinta Soomaaliya gaareen. Waa go’aanka dowladaha Soomaaliya keensaday ciidanka si loo yareeyo halista dowlad la’aanta iyo meelaha aan la xukumin kaga iman karta danahooda.

© Puntland Post, 2020

The post Dowladda Soomaaliya oo dib u eegaysa heshiiskii Soma Oil & Gas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this