Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo cunaqabteyn kusoo rogay saraakiil ka tirsan ICC + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa markii u horeysay cunaqabateyn kusoo rogay saraakiil sar-sare oo ka tirsan maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC.

Saraakiishaasi ayaa waxa kamid ah dacwad oogaha guud ee maxkamadaas, Fatou Bensouda, oo loo haysto inay si sharci darro u maxkamadeynayaan muwaadiniin Mareykank ah, sida uu sheegay xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Mike Pompeo, Xog-hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa maxkamadda ku eedeeyay inay sifo aan sharci aheyn ay iskugu dayeyso inay u maxkamadeyso muwadiiniin u dhashay dalkooda.

Mareykanka ayaa ka biyo diidan baadhitaan ay waddo maxkamadda ICC, kaasi oo la xiriira in ciidamada Mareykanka ay dambiyo dagaal ka geysteen gudaha dalka Afghanistan.

Maxkamadda ICC oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa waxa Mareykanku uu tan iyo markii la aasaasay la daba taagna dhaliil joogto ah, isagoona ka horyimid heshiiskii caalamiga ahaa ee lagu hirgeliyay.

ICC ayey Qaramada Midoobe abuurtay sanadkii 2002-dii, iyada oo caddaaladda horgeysay dad badan oo mas’uul ka ahaa xasuuqyo, tacaddiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal.

The post Mareykanka oo cunaqabteyn kusoo rogay saraakiil ka tirsan ICC + Sababta first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this