Sign in to follow this  
Deeq A.

Nairobi: Guuleed Saalax oo la kulmay xubno ka socda Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15992259559095024.jpg?resize=720%

Guddoomiyaha Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya xubno ka socda Beesha Caalamka.

Guddoomiye Guuleed Saalax ayaa la kulmay xubno ka kala socday safaaradaha Midowga Yurub, Sweden, Switzerland, Denmark iyo sanduuqa xasilinta Soomaaliya (Somali Stability Fund).

Labada dhinac ayaa iska xog waraystay dadaalada socda ee Puntland ay ugu guurayso hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho qof iyo cod oo qabsoonta sannadka soo socda ee 2021.

Beesha Caalamku ayaa bogaadisay hormarka ay Puntland ka gaartay dimuqraadiyadda oo ay ugu horrayso jiritaanka ururo siyaasadeed, kuwaas oo tartanka gelidoona sannadka dambe.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ballanqaaday inay wax walba oo suuragal ah la garab istaagi doonaan Puntland si ay uga hirgasho hannaanka dimuqraadiyadda.

PUNTLAND POST

The post Nairobi: Guuleed Saalax oo la kulmay xubno ka socda Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this