Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay kulankii Saciid Deni iyo wasiirada kasoo jeeda Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay xubnaha maamulkiisa ku matala golayaasha dowladda Soomaaliya.

Saciid Deni wuxuu xubnaha uga warbixiyay xaaladda guud ee Puntland, marxaladda guud uu wadanka marayo iyo galaangalka ay ugu jiraan sidii ay doorasho la isla ogol yahay wadanka uga dhici laheyd.

Xubnaha uu la kulmay Saciid Deni waxaa ku jiray Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ah sii hayaha Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Soomaaliya.

Xafiiska warbaahinta madaxtooyada Puntland ayaa si weyn uga warbixiyay muhiimadda wixii ay ka wadahadleen Saciid Deni iyo xubnaha maamulka Puntland ku matala golayaasha dowladda.

Dhawaan ayey aheyd markii Saciid Deni uu la kulmay xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka, kulankaas waxaa looga hadlay arrimaha ku saabsan doorashada iyadoo Villa Soomaaliya iyo aqalka sare ee matala dowlad goboleedyada aysan isku dhinac aheyn.

The post Maxaa kasoo baxay kulankii Saciid Deni iyo wasiirada kasoo jeeda Puntland? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this