Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Maraykan madow iska dhigi jirtay oo shaacisey inay Yuhuud tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeney Maraykan madow iska dhigi jirtay oo qiratay in ay Yahuud tahay

Jessica Krug
Jessica Krug

Aqoonyahan Maraykan ah oo ku takhasustay daraasaadka Afrika iyo dadka reer Afrika ee qurbe joogga ah ayaa sheegtay in ay been ka sheegtay isirkeeda oo aanay ahayn qof madow.

Jessica Krug oo ah bare wax ka dhigta Jaamacadda George Washington, ayaa qirtay in ay tahay haweenay Yuhuudiyad caddaan ah, kuna dhalatay magaalada Kansas City ee dalka Mareykanka.

“Noloshayda oo dhan waxaan waday been ay colaad ku dheehantahay oo ka dhan ah dadka madow, eray kasta oo aan idhaahdana been buu ahaa.”

Arrinteeda waxay aad iskugu mid yihiin Rachel Dolezal, oo ah qof u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dadka cad oo sheegan jirtay in ay tahay qof madow.

 

Dolezal waxaa arinteeda markii ugu horraysay warbaahinta tebiysay sannadkii 2015-kii, waagaas oo waalidkeedu fashiliyeen oo ay sheegeen in isirkeedu caddaan yahay.

Haweenaydan hore ugu ololayn jirtay xuquuqda madaniga ah, sidoo kalena dhigi jirtay daraasaadka Afrika, ayaa sannado badan iska dhigi jirtay in ay tahay qof Maraykanka madow ah, laakiin waxay sheegtay in ay “tahay qof caddaan ah”.

Maqaal ay ku qortay website-ka Medium, maalintii Khamiistii, ayay Jessica Krug ku sheegtay in ay isirkeeda been ka sheegtay oo “wax aanay xaq u lahayn sheegatay”.

Waxay ku tilmaantay in hab dhaqankeeda uu ahaa “colaad yuururta, tuugonimo iyo is been farriinka ay dadka aan madowga ahayni iskaga dhigaan ee ku sheegtaan in ay madow yihiin oo dhaqamada iyo isirkooda si xun u adeegsadaan.”

Waxaanay intaa ku dartay in ay xataa beenteedaas gaadhay in ay nafteeda u sheegto oo ay saamaysay nolosheeda qof ahaaneed iyo teeda qoysnimo ba.

Waxa ku kallifay beentaa ayey ku sababaysay arimo cudurrada dhimirka ah iyo dhibaatooyin kale oo ay soo martay bilowgii nolosheeda, in kasta oo ay sheegtay in aanay waxaas marmarsiiyo u noqon karin falkaa ay ku kacday.

Maqaalkeedaa, Krug, kuma ay sheegin wax sabab ah oo ay u cuskatay go’aankeeda ah in ay qirato khiyaamadeeda iyo wakhtigan ay ku soo beegtay toona. Haseyeeshee, Hari Ziyad, oo qora qisooyinka filimada ayaa ku sheegay qiraalkeeda “sababtu waa in la ogaaday beenteedii”.

“Jessica Krug waa qof aan u haystay in aan saaxiib nahay ilaa subaxnimadan markii ay telefoon ii soo dirtay ee ay ii qiratay wax kasta oo ay maqaalkaa ku qortay. Wanaag dartii umay falin arintaa,” ayuu ku yidhi qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka.

Sida ay wararka warbaahintu tibaaxeen, Krug waxay sidoo kale adeegsan jirtay magaca ah Jessica La Bombalera markay u dhaqdhaqaaqayso xuquuqda madaniga ah.

Muuqaalo sannadkan horraantiisii internet-ka lagu baahiyey midkood ayaa muujinaya iyada oo si cadho leh u dhaliilaysa dadka caddaanka ah ee reer New York oo ay ku duraysay in ay ka gaabiyeen in “ay wakhtigooda wax ugu taraan dadka madow iyo kuwa Aasiyaanka ah ee ku dhaqan New York”.

Jaamacadda George Washington oo ay Jessica Krug ka dhigto daraasaadka Afrika iyo Caribbean-ka iyo sidoo kale taariikhda qurba jooga Afrika, ayaa sheegtay in ay “ka war qabto” maqaalka ay Krug ku qortay majalladda Medium, laakiin aanay faalo dheeraad ah ka bixinayn arinta.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this