Deeq A. Posted September 4, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Shabeelow oo hoostaga magaalada Bacaadweyn ee gobolkaasi. Dagaalka oo geystay khasaare xoog leh ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi, waxaana dagaal kala hortagay maleeshiyaad ku sugnaa halkaasi. Ugu yaraan 15 ruux oo isugu jira dhinacyadii diriray iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida uu Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyey guddoomiyaha Bacaadweyn, Axmed Daahir. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray inay haatan xaaladdu dagan tahay, islamarkaana ay dib laabteen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Waa markii saddexaad oo Shabeelow ay ku dagaalamayaan maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al-Shabaab oo ku sugan agagaarka deegaankaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites