Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Goodax Barre oo ka hadlay arrimo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Siihayaha Wasiirka Waxbarashada XF Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre,ayaa manta ka warbixiyay ahmiyadda manhajka waxbarashada aas aasiga ah ee ka dhaqangalay Dalka.

Siihayaha Wasiirka oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in  sameynta hal manhaj oo ku baxa luqadda afka Soomaaliga ay tahay in ardayga uu ku barbaaaro dhaqankiisa iyo aqoon guud oo ku qoran  Soomaali.

Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa xaqiijiyay in lala wareegay 24-dugdi ,haatanna ay socdaan dadaal la doonayo in lala wareego 12-dugsi oo kale,wuxuuna intaa raaciyay in bilooyinka soo socda la nidaamin doono Jamacadaha faraha badan ee ka jira Dalka

Siihayaha Wasiirka Waxbarashada XF. Soomaaliya ayaa sheegay in  ay socdaan dadaallo ku aadan Sameynta siyaasad guud oo ku wajahan horumarinta waxbarashada Dalka

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this