Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dab ka kacday hotel Royal Palace

Recommended Posts

Deeq A.   

Waaxda Gurmadka degdegga ayaa ku guuleystey daminta dab ka kacay Hoteelka Royal Palace ee ku yaala Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Howlwadeenada Waaxda Gurmadka degdega ah oo gaarmay markii lagu soo wargeliyay dabka ka kacay Hotelka ayaa durba ku guuleystay inay damiyaan.

Agaasimaha Waaxda Gurmadka ayaa sheegay in dabka uu dhaliyey qasaare balse ay ka hortegeen in uu ku faafo hotelka intiisa kale, isagoo intaa ku daray in shan shaqaale ah oo ka mid ah gurmadka degdeg ah ay dhaawacyo ka soo gaareen intii ay ku howlanaayeen gudashada waajibaadka loo igmaday, kuwaasi oo uu Alle uga baryay inuu u boog dhayo..

Waxa kale oo goobta gaarey Gudoomiyaha Degmada C/casiis iyo Taliska Saldhigga oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Waaxda Gurmadka degdeg ah ay uga mahadcelinayaan sida ay ugu soo jawaabeen arrinta oo ayna ku guuleysteen inay damiyaan dabka.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay dabka, balse waxaa jirta qasaare hantiyadeed oo uu geystay dabka.

Halkan hoose ka daawo sawirro:

1-2.jpg 2-2.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this