Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JF oo loogu baaqay inuu xiro Axmed Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Daahir Amiin (Jeesow) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Madaxweynaha dowladda federaalka inuu xabsiga dhigo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Jeesow ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu tix-geliyo codsigiisa, islamarkaana uu xiro Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

“Mudane Madaxweyne waxaan ahay xildhibaan kula soo shaqeyay afartii sano ee aad dalka xukumeysay jecel dalka wanaagiisa Tixgali cadsiga intaan Meesha fadhisa Axmed Madoobe Xabsiga ha u hoydo.” ayuu yiri Xidhibaan Jeesow oo si weyn uga soo horjeedo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray xildhibaanku inay dacwad ka taallo, islamarkaana uu dad badan dilay, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in uu si xaq-darro ah ku heyso xil-ka, islamarkaana uu cadaallad darro ku hoggaaminayo maamulka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this