Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka MUQDISHO oo qaati ka taagan xaalad kusii kordheysay maalmihii tegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Muqdisho oo markii hore qabay dhibaatooyin ay ka dhaxleen kala xirnaanshaha magaalada, ayaa maalmahan dareemaya culeesyo kale oo amni iyo caburin dhanka dowladda ah, waxeyna arrintaas abuurtay in bulshada is abaabulaan.

Shacabkaan oo la daala dhacayay daruufihii ka dhashay go’doonka ay ku jiraan ayaa hadda udul qaadan la’ amni darro xoog leh.

“Habeen iyo maalin ayaa dadka la dhacayaa waxaana loogu galayaa guryaha, goobaha ganacsiga iyo waxbarashada, xitaa wadooyinka ayaa loo istaagaa mana jirto cid wax ka qabato” ayuu Xajai Cabdi Axmed mid ka mid ah odayaasha Muqdisho.

Dhaca dadweynaha ayaa waxaa la sheegay in ay geysanayaan rag ku labisan dareeska ciidanka ammaanka Soomaaliya iyo kooxo burcad mana jirto cid wax ka qabatay arintaan.

“Waxaan wadnaa abaabul oo ah inaan dhigno banaanbaxyo haddii aan wax ku weyno waxaan qaadan doonaa go’aan kale oo badbaado ah,” ayuu yiri Xaaji Cabdi.

Dhaca ayaa kusoo badanaya degmooyinka ka baxsan aagga loo yaqaan xeendaabka dowladda, waxaana mid ka mid ah sababaha lagu sheegay xaaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka uu galay, taasi oo mar kasta horseedda in amniga dayacmo.

Dowladda ayaa dhowaan xoojisay amniyada suuqyada Bakaaraha iyo suuq Bacaad, oo xaaladdoodu soo hagaagtay hase yeeshee degmooyinka kale ee magaalada qaarkood ayaa xaaladdu kasii dareysa.

The post Shacabka MUQDISHO oo qaati ka taagan xaalad kusii kordheysay maalmihii tegay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this