Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo 10 maalmood gudahood ‘laga dilay’ laba sarkaal oo sare (Faahfaahin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimada Online) – Warar ay Caasimada Online ka heshay saraakiisha militariga Soomaaliya ee gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in habeen hore duqeymo culus ka dhaceen degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe.

Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sheegay in la bar tilmaameestay sarkaal sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana qaabilsanaa xogaha amniga dibadda.

Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ninkaan la dilay daqiiqado kadib isagoo ka soo baxay shir, waxaana sidoo kale khasaare soo gaareyn xubno kale oo la socday.

Xubnahaan u hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya ma aysan sheegin magaca sarkaalka la dilay, balse waxay sheegeen in ay wadaan baaritaano intaan ka badan islamarkaana ay shaacin doonaan.

Todobaad ka hor ayey aheyd markii Al-Shabaab duqeyn looga dilay Cabduqaadir Kumaandoos oo ahaa tababare sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymaha dhanka cirka ah ee Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa kordhay mudooyinkaan, waxeyna ku waayeen xubno iyo dagaalamayaal muhiim ah.

The post Shabaab oo 10 maalmood gudahood 'laga dilay' laba sarkaal oo sare (Faahfaahin) first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this