Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni: Afar sannadood kadib Muqdisho wax hormar ah uma kordhin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15991451271644452.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo Maanta Khudbad u jeediyay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay in kadib mudda afar sannadood ah, oo uu ka maqnaa Magaalada Muqdisho uusan arkin wax hormar ah oo ku kordhay.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Muqdisho oo ay ugu dambaysay afar sannadood ka hor, aysan waxba ku kordhin dhanka Hormarka iyo sugidda Amniga, isagoo tilmaamay in ay weli joogto halkii uu kaga tegay wakhtigaas.

Mr Deni, wuxuu xusay in afar sannadood kadib ay weli Amni-darro u xiranyihiin Waddooyinka Muqdisho, islamarkaan weli shacabku sidii uga cabanayaan waddooyinka xiran, taasi oo ay dheertahay burburka ka muuqda meelaha qaarkood.

Madaxweynaha Puntland, wuxuu sidoo kale dhammaan Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya ka dalbaday in ay wakhti geliyaan sidii dalka looga saari lahaa marxaladda uu haatan ku suganyahay.

Halkan ka daawo Muuqaalkiisa

PUNTLAND POST

The post Deni: Afar sannadood kadib Muqdisho wax hormar ah uma kordhin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this