Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni: Afartii sano ee u dambeysay Muqdisho sidii ayey u burbursan tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxeynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa khudbad u jeediyay xildhibaanada aqalka sare, wuxuuna ka hadlay arrimo kala duwan oo taabanaya siyaasadda dalka.

Saciid Deni wuxuu sheegay in loo baahan yahay isbadal dhab ah inuu ka dhaco dalka, sidoo kalana siyaasiyiinta is khilaafsan aysan horseedin in god mugdi ah lala galo, balse taas badalkeeda fagaaraha lala yimaado.

Madaxweynaha wuxuu soo jeediyay in arrimaha masiiriga ah loo dhigo gogol intaan ka ballaaran.

Waxey aheyd markii ugu horreysay uu Muqdisho yimaado tan iyo markii la doortay, balse imaatinkiisa wuxuu sheegay inuusan isbadal ku arkin magaalada mudadii afarta sano aheyd.

“Afartii sano ee lasoo dhaafay, Muqdisho wax isbadal ah kama dhicin, waan indho-indheeyay intaan wada soo socday, wax soo kordhay ma jiraan, dalku wali sidii ayuu u burbursan yahay, bulshaduna sidii ayey u cabsaneysaa” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyntii Saciid Deni wuxuu kula dardaarmay siyaasiyiinta, xildhibaanada heer federaal iyo heer maamul iney si wadajir ah ugu soo baxaan marxaladda uu wadanka ku jiro.

The post Saciid Deni: Afartii sano ee u dambeysay Muqdisho sidii ayey u burbursan tahay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this