Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Suudi: Farmaajo wuxuu wadaa heshiis ay ka maqan tahay Beesha Hawiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka hadlay mowqifka uu ka aaminsan yahay kulanka la filayo inuu dhawaan ku dhexmaro dowladda dhexe iyo madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Muuse Suudi wuxuu dareensan yahay kulanka loo balansan yahay inuu yahay kulan ay ka maqan yahiin beelaha Mogadishu Clan, wuxuuna sidoo kale carabka ku dhuftay in Madaxweyne Farmaajo uusan dalkaan wax wanaag ah ka rabin.

“Waxaan aragnaa heshiis aysan qeyb ka aheyn beesha Mogadishu Clan inuu meesha ka socdo, Farmaajo ayaa wada, wadankana wanaag lama rabo, waa u kaligiis, cidna kuma eedeyno” ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxow.

Sidoo kale Senator Muuse Suudi Yalaxow wuxuu codsaday in doorashada aan wakhtigeeda lala sugin ama Villa Soomaaliya ay dhameystirto xukuumadda wali qabyada ah si ay howsha horay ugu sii wado.

The post Muuse Suudi: Farmaajo wuxuu wadaa heshiis ay ka maqan tahay Beesha Mogadishu Clan first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this