Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Garnaqsiga Cabdiraxmaan Saylici

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu qorshaynayo in shirweynaha Xisbiga KULMIYE ee la filayo inuu qabsoomo bisha soo socota inuu Kursiga Guddoomiye Kuxigeenka Afraad loo doorto Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Saajin, isla markaana la beddelo Guddoomiye Kuxigeenka Afraad ee imika oo ah Abdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxweyne kuxigeenka Somaliland.

Qorshahan Madaxweynuhu dhabarka ku soo taabtay Wasiir Saajin, ayaa dhaliyey hirdan culus oo ka dhex aloosma Saylici iyo Saajin, kaas oo xataa saameyn ku yeeshay Gobolka Awdal Beelaha dega iyo Doodda ka taagan saami qaybsiga Kuraasta Wakiillada.

Qorshahan Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inuu ka biyo diidsan yahay Saylici, oo ku dooddaya in uu xaq u leeyahay in kursigiisa aan lagula tartamin sida Kuraasta kale ee Hoggaanka Kulmiyr, madaama oo aanu jirin sharci u diidaya inuu mar kale isa soo sharaxo, taas oo markii hore la filayey in ay caqabad ku noqon doono Saylici, balse loo waayey qodobo cad cad oo ka hor istaagaya inuu u tartamo kuxigeenka Afraad.

Madaxweyne kuxigeenka Abdiraxmaan Saylici, ayaa la sheegay inuu Farriin garnaqsi ah u diray Madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ah sababta uu u badhitaarayo Wasiirkiisa Ganacsiga, madaama oo uu isagu sharaxan yahay, kuraasta kale ee Hoggaankana aanay muuqan in ragga imika jooga aan lagula tartamayn.

Waxaana Farriintan Saylici u diray Madaxweyne Muuse Biixi kaga codsaday inuu ku caddeeyo inuu wato Wasiir Saajin iyo in kale, taas oo aanu weli Muuse Biixi ka soo jawaabin, sida xoguhu tibaaxeen.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici iyo Wasiir Saajin ayaa labaduna waxa ay shubeen lacagtii lagu xidhay qofka doonaya guddoomiye kuxiheenka Afraad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this