Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar Ka Mid Ah Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Warbiximo Laga Dhegeystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga hadlay  arrimo kala duwan oo muhiim ah.

Golaha-Wasiirrada-Somaliland-Oo-warbixim

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha faahfaahin dheer ka siiyey siyaasadda hantida raagta oo wasaaraddu soo diyaarisay, taas oo lagu dabbaqi doono hantida dawladda si loo ogaado, loo  qiimeeyo oo loo  diwaangeliyo hantida dawladda si midaysan iyadoo hore loogu qaybiyey golaha siyaasaddan.

1-1024x683.jpg

Dhinaca wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, ayaa golaha hor keenay wax ka beddelka iyo kaabista xeerka waddo-marista, isagoo wasiirku sharraxaad ka bixiyey wax-ka-beddelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerkaas.

Golaha-Wasiirrada-Somaliland-Oo-warbixim

Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey xeerka maal-gashiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo diyaariyeen wasaaradda maal-gashiga iyo xafiiska garyaqaanka guud, xeerkaas oo hore goluhu uga dooday.

Golaha-Wasiirrada-Somaliland-Oo-warbixim

Daawo Wixii Ka Soo Baxay Kulankii Golaha Wasuurada Somaliland

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this