Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo shaacisay in uu isu soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inuu isu soo dhiibay Khaliif Cabdi Nuur Maxamed oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab illaa iyo sanadkii 2013-kii ee la soo dhaafay.

Booliiska ayaa sheegay in ninkaasi uu xiriir la soo sameeyay saldhigga deegaanka Burhale oo ka tirsan gobalka Waqooyi Bari iyadoo markii dambe la soo gaarsiiyey Mandera.

Sarkaal ka tirsan Booliiska la dagaalama argagixisada ee dalka Kenya ayaa xusay in Khaliif Cabdi Nuur uu Al-Shabaab ka soo goostay bishii hore kadibna uu xiriir dhinaca isgaarsiinta ah la soo sameeyay Booliiska Kenya.

Ninkaasi ayaa la sheegay in markii uu isu soo dhiibayey ciidamada Booliiska ee Kenya uu watay qoray nuuciisu uu ahaa AK47 iyo rasaas.

Booliiska ayaa intaasi ku daray in ninkaasi uu tababar ku soo qaatay dugsi ku yaalla magaalada Sakow ee gobolka Jubbadda dhexe ee Soomaaliya.

Khaliif ayaa lagu eedeeyey inuu ka qayb qaatay weerarkii khasaaraha badan geystay ee Al-Shabaab ay 2016 ku qaadeen saldhig milateriga Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaas oo lagu dilay boqolaal ka tirsan ciidanka dalka kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this