Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeymo cirka ah oo lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo goboolada Jubbooyinka ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah oo laga sameeyay magaalada Jilib lagu dilay xubno ka tirsan xoogagga Al-Shabaab.

Saraakiisha fulisay hawlgalka waxey sheegeen in hawlgalkaan uu si gaar ah ugu qotomay madaxa amniga Al-Shabaab ee magaalada Jilib, sidey wararka sheegayaan duqeynta ayaa lagu dilay.

Inkastoo aan faah-faahin rasmi ah laga bixin duqeynta dhacday hadana wararka la helayo waxey sheegayaan in kulan u dhaxeeyay xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu soo beegay duqeynta.

Ma ahan markii ugu horreysay oo duqeymo cirka ah laga sameeyo jubbooyinka, dhawr jeer oo hore ayaa jilib looga sameeyay hawlgal nuucaan ah.

Ciiidamada mareykanka ee hoos taga taliska Afrika oo taageero ka helaya kuwa dowladda Soomaaliya ayaana mar walba iska kaashada.

The post Duqeymo cirka ah oo lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this