Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Muqdisho City Club Oo Safar U Ah Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Naadiga Dolwadda Hoose ee Muqdisho City Club oo olahan ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League 2019-2020 ayaa safar dhul barasho iyo ciyaaro saaxiibtinimo u aadaysa deegaaanada maamulka Puntland.

Screen-Shot-2020-08-06-at-7.18.10-PM-102

Muqdishu City Club oo hanatay horyaalka kolkii kowaad,tan iyo markii ay qaadatay maagaca Gobolka Banaadir bishii November 2018 ayaa samaysay guulo waaweyn oo dhinaca ka qeyb galka tartamada kubbadda cata ee dibadda iyo gudaha labadii sano la soo dhaafay.

117337181_3087095458034796_8908355394486

Waxayna xidigaha Muqdisho City Club casuumaad ay ka helyn naadiga Horseed oo ka mid ah kooxaha ugu adag ee ka dhisan deegaanada Puntland.

117130274_3090391747705167_4777589648121

“Waan soo dhawaynaynaa Muqdisho City waa koox weyn,waxayna saaxiibo badan ku lee dahay caasimada Garoowe iyo guud ahaan Puntland” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cali Ciise (Ciiro) oo ah guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland.

Sequence-01.00_03_32_12.Still009-1024x76

Kaliya safarka kooxda MCC ma ahan ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho,waxay ay ciyaartooyda iyo maamulkooda soo baran-doonaan dhulka quruxda ee u duga Puntland.

89806147_2717458004998545_77112143952541

“Sharaf ayay inoo tahay in aan u safarno Puntland waxaan ku lee nahay saaxiibo badan iyo taageerayaal badan,waxayna tani bilaw u tahay is dhaxgalka iyo wada shaqeynta labada dhinac waana howl muhiim ah” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha kooxda Muqdishu City Abuukar Yabarow.

102666543_2918541858223491_4630886904436

Si kastaba safarka MCC ayaa noqonaya kii labaad oo ay koox ka dhisan Muqdisho ku tagto meel ka baxsan caasimada, waxaana horay sidan oo kale u samaysay naadiga Elman,waxaana talaabadan is-dhaxgalka soo dhaweeyay taageerayaasha kubbadda cagta ee gudaha iyo dibadda.

117690816_3104700049607670_2451498099347
Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this