Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay Siciid Deni iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ka wada-hadleen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa xarunta golahaasi ku qaabilay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni.

Cabdi Xaashi iyo Deni ayaa ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xarunta aqalka sare kulan gaar ah kula qaadan doono guddiyada joogtada ah ee golahaasi, maadaama uu qalkan wakiil ka yihiin maamul goboleedyada ka jira dalka ee Puntland, HirShabellem Jubbaland & K/Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi diirada lagu saarayo marxalada kala guurka ah ee uu dalka maraayo iyo is xog wareysi guud oo ku saabsan xaaladda dalka.

Siciid Deni ayaa maalmahan ku sugnaa gudaha caasimada, wuxuuna u soo gaaray ka qeyb-galka shir u dhexeeya dowladda dhexe, Puntland iyo Jubbaland.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana la’isku mari la’yahay heshiiskii lagu saxiixay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

kulanka.jpg 2-1.jpgxa.png

The post Sawirro: Maxay Siciid Deni iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ka wada-hadleen? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this