Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Beeraha Oo U Tartamaya Guddoomiye Ku Xigeenka Afraad Ee Xisbiga KULMIYE.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, mudane Axmed Muumin Seed ayaa oo ka mida siyaasiyiinta damacu ka hayo kursiga guddoomiye ku xigeenka Afraad ee xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa la sheegay in uu shubay lacagtii ay guddida qaban-qaabadu shuruudda kaga dhigeen ciddii tartanka ka qayb galeysa.

Wasiirka beeraha ee tartanka saaxadda KULMIYE ku soo biiray oo ah shaqsi ku cusub tartarnka xisbiga ayaa xiisa gaara u yeelaysa baratanka loogu jiro, guddoomiye ku xigeenka afraad ee xisbul xaakimka.

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa saaka oo khamiis ah wararku sheegayaan in uu shubay kharashaadkii shuruudda looga dhigay u tartamida hogaanka xisbiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this