Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ee Boorame oo bambaanooyin lagu weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal oo ku yaalla Galbeedka Somaliland ayaa ku warramaya in Xalay halkaasi laga maqlay qaraxyo is xigay kuwaas oo lala beegsaday Xarun dowladeed.

Weerar Bambaanooyin ah ayaa la sheegay in Xalay lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ay ku leedahay gudaha Degmada Boorame sida laga soo xigtay Dadka Degaankaas.

Weerarka waxa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay mid kamid ah Ilaalada Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland islamarkaana burbur xooggan uu gaarsiiyay qayba kamid ah dhismaha Wasaaradda.

Sidoo kale baabuur taallay gudaha Wasaaradda ayaa sida la sheegayo waxyeello ka soo gaartay bambaanooyinka lagu tuuray Xarunta Wasaaradda kuwaas oo aan weli la aqoonsan cidda ka dambaysay.

PUNTLAND POST

The post Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ee Boorame oo bambaanooyin lagu weeraray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this