Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: lix nin oo ku eedaysnaa Kiiskii Hodon Shanlaysto oo dambi lagu waayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa Arbacadii Shalay oo ku beegnayd 2 September 2020, waxay xorriyadooda u celisay lix nin oo ku eedaysnaa Kiis Kufsi iyo dil ah, kaas oo sannadkii hore ka dhacay magaalada Garoowe.

Maxkamadda oo fadhiyo kala duwan ka yeelatay, dhegaysiga gar-maqalka Kiiska marxuumad, Hodon Axmed Maxamed Shanlayste, oo 10-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay Garoowe, ayaa ugu dambayntii sii daysay lix kamid ah, todoba nin oo u xirnaa Kiiska, kuwaas oo sida maxkamaddu sheegtay wax dambi ah lagu waayay.

Garsoorayaasha maxkamaddu, waxay sheegeen in baaritaanno kala duwan oo lagu sameeyay todobada eedaysan, islamarkaana loo adeegsaday Shaybaarka dambiyada DNA-da ee loo yaqaan Forensic Lab, ay soo saareen natiijooyin isku mid ah oo caddaynaya in aysan dambigaasi gelin.

Sidoo kale, maxkamadu waxay dhaar marisay lixda nin ee xorriyadooda loo celiyay, halka ninka todobaad oo hadalo is-burinaya ku hadlay, ay maxkamaddu kiiskiisa dib u dhigtay, si loogu sameeyay baaritaan dhanka caafimaadka maskaxda ah.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: lix nin oo ku eedaysnaa Kiiskii Hodon Shanlaysto oo dambi lagu waayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this