Sign in to follow this  
Deeq A.

Barta Twitter-ka Ee Raysal Wasaaraha Hindiya Oo La Jabsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Delhi)-Bogga Internet-ka ee Twitter ee Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa la jabsaday, sida ay xaqiijisay shirkadda.

Qoraallo is xig xigay oo lagu soo qoray boggiisa ayaa dadka ku xidhan halkaas lagaga codsanayay inay ka qeyb qaataan barnaamij gargaar ah.

Shirkaddu waxay sheegtay inay ka war heshay dhaqdhaqaaqa ka socday halkaas isla markaana ay qaaday tallaabooyin lagu dhowrayo amniga barta Ra’iisul wasaraaha ee Twitter.

Waxay arrintani kamid tahay dhacdooyinkii ugu dambeysay ee ku saabsan dhaca xogta shakhsiyaadka caanka ah, bishii July ayay aheyd markii la jabsaday bogga Twitter uu ku leeyahay musharraxa xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden.

“Waxaan si xooggan u baadheynaa xaaladda, haatan kama war heyno bogag kale oo sameyn ku yeelatay falalkaas,” waxaa sidaas yidhi afhayeen u hadlay shirkadda Twitter oo la hadlayay BBC-da.

Shirkaddu waxay meesha ka saartay qoraallada marin habaabinta ah ee looga codsanayay dadka ku xidhan bogga Narendra Modi inay ka qeyb qaataan barnaamij gargaar qaran ah iyago adeegsanayo barnaamijka la yidhaahdo Bitcoin ee lacagaha lagu shubto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this