Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Bambo Gacmeed Ah Oo Lagu Tuuray Xarunta Wasaarada Maaliyadda Ee Boorama

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boorama)-Magaalada Boorama Waxa Goor Dambe ee Oo Xalay Xarunta Wasaarada Maaliyadda Lagu Tuuray Bambo Gacmeed.

Bambadan ayaa Qaraxeeda aad looga Wada Maqlay inta Badan Magaaladaasi kaas Oo aan la ogayn Khasaaraha Uu Geystay.

Guddoomiyaha Dhalinyaŕada Xisiga Waddani Cabdirashiid Jaamac Oo La Jaar ah halka uu qaraxu ka dhacay Waxa uu degelkiisa Facebook ku Baahiyay Qoraal Kooban Oo uu ku yidhi”Abaaro 20 daqiiqo ka hor ama 11:50 pm waxa aan ka maqalnay dhawaq xoog wayn iyo quruurux jiingada guriga Borama aanu ka daganahay noogu soo daatay. Ka dib waxa isku soo baxay dadkii jaarka ahaa, waxa la iswaydiiyay waxa uu ahaa iyo halkuu ka dhacay. Ka dib waxa aan la hadlay ilaalada wasaarada Maaliyada oo aanu isku dhagsan nahay, waxayna ii sheegeen in bam ku soo dhex dhacay daarada wasaarada maaliyada, falidhkii ka soo duulayna uu gawaadhida dhextaala muraayada qaarkood ka jabiyay, qacdii ka baxdayna ay ahayd qarixii bambada.

Way iska cadaan doonaan wax weliba aroorta ee nabad ha lagu seexdo” ayuu Ku Yidhi Qoraalkiisa Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Cabdirashiid Jaamac.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this