Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayey saameynta Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Sii hayaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Soomaaliya mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa fogaan arag kaga qeyb galay kulan heer Wasiiro ah ee dalalka urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay saameynta dhaqaale uu cudurka COVID-19 ku reebay dalalka IGAD.

Wasiir Warfaa oo qoraal kooban bartiisa soo dhigay ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antahay in la dajiyo siyaasad ku aadan soo kabashada iyo abuurista fursado shaqo.

“Waxaan maanta ka qeybgalay kulan heer Wasiirro ah ee dalalka urur-gobolleedka IGAD oo la xiriiray saameynta COVID-19 ee muhaajiriinta. Soomaaliya oo ay ku soo laabanayeen kumannaan barakacayaal ah ayuu dhaqaalo ahaan u saameeyey, waxaana Wadamada xubnaha ka ah IGAD la wadaagay sida ay nooga go’an tahay in aan si deg deg ah uga shaqeyno siyaasadda ugu wanaagsan ee soo kabashada iyo abuurista barnaamijyo waara oo wax looga qabanayo bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey”. Ayuu yiri Wasiir Warfaa.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Shir.jpg Warfaa.jpg

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this