Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo xayiraad saartay ganacsato lagu eedeeyey taageerada Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Kenya ayaa amar ku soo bixisay in la xayiro hantida sagaal ruux oo u dhashay dalkaasi oo lagu eedeeyay in Al-Shabaab ay ka caawiyaan dhinaca maaliyadda.

Dadkaasi yaa waxaa saraakiisha Booliiska ay sheegeen in lacago ay siin jireen Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Fred Matiang, ayaa soo bandhigay magacyada sagaalkaasi ruux oo ay heleen ciidamada Booliiska, kadib baaritaan ay sameeyeen

Mr Matainga oo war qoraal ah ka soo saaray magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa amar ku bixiyey in la xayiro hantida ay leeyihiin dadkaasi.

Dhamaan dadka la soo eedeeyay ayaa ah ganacsato isagu jira rag iyo dumar ganacsiyo ku leh xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku badan yihiin Soomaalida, walow ay jiraan qaar ka mid ah dadkaasi oo ka howlgala magaalooyinka Mombasa iyo Mandera

Booliiska ayaa sheegay in sagaalka qof ee lagu tuhmay in ay la shaqeeyaan Al-Shabaab ay telefoonadooda gacanta lacago ugu direen Al-Shabaab

Kenya ay gudaha dalkeeda ka wada howl-galo ay ugu hortageyso weeraro in ay Al-Shabaab ku soo qaadaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this