Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadallo Cadho Leh Kaga Jawaabay Qado Sharaftii Dhawaan Loo Sameeyay Maxamuud Xaashi Iyo Kooxdiisa, Safiir Baashe Cawil Ku Cannaantay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dareen cadho leh ka muujiyay qado sharaf uu dhawaan safiir Baashe Cawil Cumar u sameeyay kaadiriin ka tirsan xisbi xaakimka KULMIYE iyo xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo.


Kulankaasi oo uu abaabulkiisa lahaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ampasador Baashe Cawil ayaa lagu sheegay in loogu sii gogol xaadhayay sidii uu shirweynaha KULMIYE ugu qabsoomi lahaa midnimo iyo in Madaxweyne Biixi looga tanaasulo doorka guddoomiyenimada KULMIYE iyo Murrashaxnimada madaxweynaha.


Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay shabakadda wararka ee Somalilandtoday ka heshay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyne Muuse Biixi uu si weyn uga cadhooday tallaabada uu qaaday safiir Baashe Cawil.


Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku canaantay Safiir Baashe Cawil in kulan noocan ah uu qabto isaga oo aan la soo socodsiinin, waxaanu u sheegay in xisbiga KULMIYE loogu tartami doono si furan marka la gaadho wakhtiga loo muddeeyay.


Ugu dambayntii Safiir Baashe Cawil ayaa la sheegay in uu Madaxweyne Biixi ka raali-geliyay tallaabadan uu ku kacay waxaanu u sheegay in hawlaha xisbiga uu uga dambayn doono hoggaanka sare ee xisbiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this