Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kulan looga hadlayey amniga oo lagu qabtay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddiga amniga ee maamulkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha ammaanka ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobollada Shabeelaha, Baay iyo Bakool, gaar ahaan deegaanada ay ka heystaan.

Waxaa sidoo kale shacabka loogu baaqay inay ka qeyb-qaataan howlaha lagu xaqiijinayo amniga guud ee deegaanada maamulkaasi.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galay Sarakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

118739379_652556378714336_54724981409077 118739379_652556378714336_54724981409077 118763118_652556295381011_78400825760183 118765265_652556505380990_10785658680020

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this