Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedka kulankii dhex maray Xasan Sheekh, Deni, Shariif Xasan iyo CC Shakuur + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD), mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hoygiisa uu ka degan yahay Muqdisho kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland iyo wafdiga uu hogaaminayo ee booqashada ku jooga caasimada dalka.

Xasan Sheekh iyo Mas’uuliyiin culus oo ka tirsan xisbiyada mucaaridka ayaa soo dhaweynta kadib kulan gaar ah la qatay madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni oo Muqdisho u jooga is-afgarad laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Kulankaasi ayaa waxa qeyb ka ahaa guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran mudane xidlhibaan Suleyman Maxamuud Xaashi, hogaamiyaha xisbiga Wadajir Party mudane Cabdiraxman Cabdishakur Warsame, guddoomiyaha xisbiga Kulan mudane Maxamed Cabdiriaxmaan Siiri iyo masuuliyiin kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa kulankaasi diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo kala aragti duwanaanta ku aadan nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa, maadama la fahamsan yahay in meesha laga saarayo heshiiskii Dhuusamareeb 3.

Senator Ilyaas Xasan Cali oo ka tirsan Madasha ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaa kulan wada tashi ah yeeshey Masuuliinta Madasha Xisbiyada Qaran iyo Madaxweynaha Puntland, kaas oo looga arinsanaayey mowqifka Madasha iyo Arimaha Doorashada 2020/2021.”

Sidoo kale xildhibaan Mahad Salaad ayaa kulankan ku macneeyey inuu billow u yahay shirar siyaasadeed oo looga arinsanayo arimaha doorashooyinka dalka 2020/2021.

Kulankan ayaa daba socda kulamo gooni-gooni ah oo madaxweynaha Puntland ka bilaabay magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu soo gaaray.

Waxaana lagu wadaa in heshiis cusub oo badeli doona midkii Dhuusamareeb uu kasoo baxo kulamada wada-tashi ee ka bilaabanaya Muqdisho, kuwaasi oo si gaar ah ay fooda isku dari doonaan Axmed Madoobe, Deni iyo Farmaajo.

118764900_3299269670167263_6691396265889 118766183_3299269773500586_2666725577765 118764785_3299269923500571_1853202602072 118763924_3299270016833895_3060293766810 118764321_3299270180167212_2955925776236 118776483_3299270383500525_3278095318514 118826150_3299270543500509_7647606748524 118766150_3299270703500493_1881845997059

The post Ujeedka kulankii dhex maray Xasan Sheekh, Deni, Shariif Xasan iyo CC Shakuur + Sawirro first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this