Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo faahfaahin ka bixisay Iskuulo iyo maamulayaal lagu xiray Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa maanta albaabada u laabtay afar iskuul oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay xad-gudub ku sameeyeen nidaamka Waxbarashada Puntland.

Iskuulada la xiray; waxay kala yihiin National School, Cabdullaahi Yusuf School, Hormuud School iyo Waaberi School, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Mudug ee Puntland Axmed Huruuse Xaashi.

Guddoomiye Huruuse, wuxuu sheegay in afarta iskuul albaabada loo laabay kadib markii ay sameeyeen fowdo ka baxsan Nnidaamka Waxbarashada Puntland maadaama aysan wax sharciyad ah ka haysan wasaaradda.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in xabsiga la dhigay maamulayaashii ka hawlgalayey Iskuuladaas iyo hal macallin, kuwaas oo sida uu xusay sharciga la marin doono.

Hoos ka daawo wareysigiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Puntland oo faahfaahin ka bixisay Iskuulo iyo maamulayaal lagu xiray Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this