Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdiqaadir Niinje “Alxamdullilah Waan Ku Soo Laabanay Horyaalka Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Weeraryahanka kooxda kubbadda cagta Jeenyo Cabdiqaadir Shaiif Muqtaar (Niinje) ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyahay ku soo laabashada horyaalka Somalia Premier League ee fasal ciyaareedka 2020-2021.

118162046_1046683009068259_1498879914446

Xirfadyahan Niinje waa laacibka kaliya ee ku haray Jeenyo marka loo eego xidigihii waaweynaa ee iminka ee lagu yaqiinay,balse wuxuu tani ku sheegay in uu isaga go’aansaday in uu waqti sare ku qaato kooxdiisa.

118160259_10157902172542029_664038793937

Weerayahan Niinje ayaa u mahad celiyay xidigaha da’yarta wanaagsan ee kooxda doorka wanaagsan ka qaadatay in ay ku soo laabtan mudo ka dib horyaalka Somalia Premier League,wuxuuna tani ku tilmaamay in la xasuusandoono horomarka iyo guulaha ay Jeenyo gaarsiiyeen.118343736_10157902177337029_602265823634

“Shaqo adag ayaa loo soo maray ku soo noqoshada horyaalka Somalia Premier League, balse Allah ka sokow waxaa ku mahadsan da’daalka macallimiinta iyo ka go’naashada xidigaha oo lagu gaaray heerkan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdiqaadir Niinje.

118484357_10157902177162029_793444207077

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this