Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciid oo la kulmay safiir ku xigeenka Talyaaniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in kulan muhiin ah Magaalada Muqdisho kula qaatay Safiir ku xigeenka Dowladda Talyaaniga ee arimaha Dalka Somaaliya H.E Fabio Massimo Ballerini.

Dhinacyadaasi waxay kulanka diirada ku saareen xoojinta wada shaqeynta, sare u qaadida amniga iyo dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay wado dowlada talyaaniga.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada weyn ee ay qabteen hoggaanka cusub ee Safaaradda isagoo ballanqaaday in Galmudug si dhow ula shaqeyn doono.

Safiir ku-xigeenka ayaa boogaaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay ku tallaabsadeen maamulka Galmudug,wuxuuna kula dardaarmay in halkaasi laga sii wado dadaalka loogu adeegayo bulshada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this