Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo qabanaysa Shir Caalamiya oo ku saabsan Arrimaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
4.jpg?resize=1000%2C579&ssl=1Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM, ayaa Maanta oo Arbaco ah shaaciyay, in uu Lixda bishan September qaban doono Shirweyne Caalamiya oo ku saabsan Arrimaha Soomaaliya.

Shirka oo ku qabsoomaya Khadka Internet-ka ee Video Conference, waxa ka qayb-galaya Guddiyo ka tirsan Qaramada Midoobay, Deeq-bixiyaasha Caalamiga ah iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya.

Shirka waxaa looga hadlayaa, Arrimaha mudnaanta u leh Horumarinta Waddanka iyo dhinacyada u baahan in laga taageero Shanta Sano ee soo socota, gaar ahaanna Horumarinta Dhalinyarada oo 60% ka ah Dadweynaha Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxay mudada Shirkaasi socdo hoosta ka xarriiqi doonaan dhinacyada u baahan in laga caawiyo Soomaaliya shanta sanno ee soo socota, si halkaas ay xoogga u saaraan hay’adaha taageera Horumarinta Waddanka.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo qabanaysa Shir Caalamiya oo ku saabsan Arrimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this