Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Hore Oo Ka Tirsanaa Dawlada Denmarka Oo Ictiraaf Ay Heshay Somaliland Ku Tilmaamay Sanduuqa Horumarinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee horumarinta dawlada Denmark Mr. Christian Fris ayaa dhawaan booqasho ku yimid Somaliland wuxuuna ka warbixiyay ujeedada socdaalkiisa.

Mr. Christian Fris waxa intii uu ku sugnaa somaliland uu kulamo la qaatay madaxweynaha somaliland iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda.

Christian Friis, oo shalay u waramay warbaahinta Geeska Afrika isagoo ku sugan magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay inuu dalka u yimid mashaariic la xidhiidha horumarinta kalluumaysiga, isla markaana ay doonayaan inay mustaqbalka dhow ka furaan Somaliland warshad lagu farsameeyo kalluunka oo loo dhoofiyo. .

“Magacaygu waa Christian Friis, waxaan ahay wasiirkii hore ee horumarinta ee Denmark, hadana waxaan halkan la joogaa FairFishing oo waxaan raadineynaa Fursado aan ku taageerno Kalluumeysiga.

Sideed sano ka hor, waxaan halkan imid aniga oo ah Wasiirka Horumarinta Deenmark, waxaan furay xafiiska Denmark ee Hargeysa, waxaanan aasaasay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).

Taasi waxay ahayd ictiraaf ay Somaliland si wanaagsan u qabatay, waxaanan aad ugu faraxsanahay in Somaliland ay si wanaagsan u socoto, xitaa iyada oo ay la socoto dawada loo yaqaan ‘Coronavirus’. ”

Wasiirkii hore waxa kale oo uu sheegay inay hada arkayaan fursad wanaagsan oo lagu horumarin karo waaxda kalluumaysiga ee Somaliland. “Waxaan u aragnaa fursad weyn waaxda kalluumeysiga ee Somaliland, waana taas sababta aan halkan u imid. “Somaliland waa saaxiib hadana waxaan dooneynaa inaan xoojino saaxiibtinimadaas.”

“Waxaan kulamo muhiim ah la yeelanay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumeysiga, Wasiirka Qorsheynta iyo horumarinta Somaliland iyo Wasiirka Maalgashiga. kullamadan oo dhami waxay ahaayeen kuwo muhiim ah oo miro dhal ah.

Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo madaxweyne muuse ​​biixi taageerada uu naga siiyay shaqadeena ama horumarka aan ka wadno horumarinta kaluumeysiga, wuxuuna muujiyey taageeradiisa iyo dhiiri galinta howsha aan bilawnay. ”

Ugu dambayntiina waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa inaanu ka furno Somaliland warshad soo saarta kalluunka si loogu dhoofiyo dalalka kale. Waxaan rajeynaynaa in kalluunka laga soo dhoofiyo Somaliland lagu cuno dalka Denmark mustaqbalka dhow, ”ayuu yidhi, isagoo intaas ku daray in maalgashadayaashu ay yihiin shirkad loogu magac daray IFU, taas oo horeyba $ 3 bilyan ugu maal galisay 100 dal oo kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this