Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Munasaabad ballaaran oo loo qabtay guddoomiye Cumar Filish

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad lagu maamusayay sannad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii uu xilka la wareegay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa lagu qabtay xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa Waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaanno, Wasiirro, madaxda degmooyinka gobolka Banaadir, qaar kamid ah madaxda xisbiyada iyo Marti sharaf kale waxaana lagu soo bandhigay heeso kala duwan oo ka turjumayay wax-qabadka guddoomiyaha gobolka Banaadir muddadii uu xilka hayay.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi iyo xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa qiray wax-qabadka muuqda ee guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sameeyay muddadii halka sanno eheed, iyagoo shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan madaxdooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa madaxweynaha Jahmuuriyadda Soomaaliya uga mahad-celiyay garab istaagii uu u muujiyay muddadii sannadka eheed,wuxuuna sidoo kale shacabka caasimadda ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen,isagoo ka codsaday in ay sii wadaan ka qeyb qaadashada horumarka caasimadda.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

118405433_2671988723039870_2296899150088 118412340_2671986409706768_9057331321864 118458922_2671986479706761_6323350967590 118458922_2671986686373407_1472295613706 118460086_2671987153040027_1545310962815 118472567_2671986863040056_8784225566109 118481830_2671986933040049_5269324782351 118508519_2671987863039956_5033487487881 118516863_2671987356373340_9102049521930 118536659_2671987196373356_2784986492453 118545517_2671986546373421_6200682541254

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this