Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Afmadow

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay degmada Afmadow.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, ka gadaal markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo Kenyaan ah oo marayey duleedka degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada huwanta  dhaq-dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this