Sign in to follow this  
Deeq A.

FBI-da oo ka walaacsan in Gambaleelka Albaabka uu booliska basaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

FBI-da oo ka walaacsan in Gambaleelka Albaabka uu booliska basaaso

ring.jpg
Gambeellada ayaa ay tabtaan dadka guriga soo gelayaa, sida oo kalena laga arkaa qofka albaabka taagan

Dukumiintiyo la si sir ah loo qaatay ayaa muujiyay in laanta dembi baarista ee FBI-da Maraykanka ay ka walaacsan tahay in dadka qaar ay u isticmaalayaan gambaleellada albaabbada in ay kula socdaan booliska.

Waraaqaha waxa ay sharraxayaan dhacdo 2017-kii ahay oo qof hab hagid ah uga daawaday muuqaal toos ah booliska oo isku diyaarinayay inay gurigiisa hortiisa kaga shaqeeyaan fasax maxkamadeed oo baadhitaan ah.

Macluumaadka waxaa laga helay khadka internet-ka ee waxayna heleen haayadda ‘Intercept’.

Markii hore, dadka u dooda arrimaha shakhsiga ah waxay muujiyeen walaac ku saabsan xogta laga helo albaabbada internet-ka ah ee lala wadaago booliska.

Waraaqaha la jabsaday, oo si wada jir ah loogu yaqaanay BlueLeaks, waxaa laga helay in ka badan 250 warqadood oo bogagga booliiska ku jiray.

Dukumiintiga su’aashu ka taagan tahay ayaa ah warbixin falanqeyn farsamo ah, oo bixinaysa aragti guud oo ku saabsan fursadaha iyo caqabadaha booliis ee ka imanaya nidaamyada amniga guriga iyo gambaleelka albaabada casriga ah.

Gambeellada oo badanaa ku hor yaalla xagga hore ee albaabka waxaa tabtaan ama yeeriya dadka guriga soo gelayaa si loo maqlo oo looga furo albaabka, sidoo waxaa la arki karaa, lana maqlayaa codka qofka albaabka taagan, ka hor inta aan laga furin.

Dhacdadii 2017-kii waxay sharraxeysaa sida qof baaritaan ku socda uu “si qarsoodi ah ula socday dhaqdhaqaaqa sharci fulinta ee inta ay ku sugan yihiin gudaha dhismaha una digeysto deriskiisa iyo milkiilaha guriga”.

Giraanta Amazon waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan, laakiin waxaa jira shirkado kala duwan oo iibiya gambaleelka guryaha ee albaabbada lagu xidho.

Amazon ayaa lagu dhaleeceeyay sannadkii la soo dhaafay in ay la shaqeysay ugu yaraan 200 hey’adaha sharci fulinta Mareykanka si ay ugu ogolaato la socoshada gambaleelkeeda lagu xidho albaabbada.

 

Wada shaqeynta ka dhexeysa saraakiisha booliiska waxay tahay in ay ka codsan karaan macaamiisha in ay la wadaagaan fiidiyowyada iyo macluumaadka ku saabsan dembiyada ka dhaca aagga ay deggan yihiin.

Xilligaas kooxda xuquuqda internet-ka ee Fight the Future waxay sheegeen in arrintaasi ay “wiiqday geedi-socodkeenna dimuqraadiyadda iyo xorriyadda aasaasiga ah ee shacabka”.

booliska Wiltshire ee Britain waxay diyaariyeen keyd la gelin karo albaabbada casriga ah ee gaarka loo leeyahay iyo kamaradaha amniga, waxaana dadka deegaanka laga codsanayaa in ay is diwaangeliyaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this