Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha ruuxiga  Iran Ayatollah Ali Khamenei  ayaa markii ugu horreysay ka hadlay heshiiska dhexmaray Israel iyo Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   
Hoggaamiyaha ruuxiga  Iran Ayatollah Ali Khamenei  ayaa markii ugu horreysay ka hadlay heshiiska dhexmaray Israel iyo Imaaraadka khomaini.jpg

Hoggaamiyaha ruuxiga dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei  ayaa markii ugu horreysay ka hadlay heshiiskii dhawaan dhex maray Israel iyo Imaaraadka kaas oo ay dib isugu soo ceshadeen xidhiidhkooda.

Khamenei ayaa sheegay in Imaaraadka uu ku khiyaameeyay bulshaweynta muslimiinta iyo dadka reer Falastiin heshiiskii uu la galay Israel, balse waxa uu sheegay in uusan noqon doonin mid guuleysta, dhawaana uu bur-buri doono.

” – Dabcan, heshiiska ay la galeen Israel ma sii jiri doono , laakiin waxaa halkaasi ka raaci doona ceeb iyo cambaar. Waxa ay u ogolaadeen Yuhuudda in ay soo dhex galaan gobolka, waxayna iloobeen Falastiin”, ayuu yidhi Ayatollah Khamenei.

Dowladda Iran ayaa islamarkiiba cambaareysay heshiiskan dhex maray Israel iyo Imaaraadka ee uu ka shaqeeyay Mareykanka.

Sidoo kale dowlado badan oo muslimiin ah oo uu ka mid yahay Turkiga ayaa iyana cambaareeyay heshiiskan.

Adduun weynaha muslimiinta ayaa horay ugu heshiiyay in aysan wax xidhiidh ah la sameyn doonin Israel ka hor inta laga helayo dowlad ay leeyihiin shacabka reer Falastiin.

Dhacabka iyo maamullada Falastiin ayaa si xooggan u cambaareeyay heshiiskan dhex maray Israel iyo Imaaraadka

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this