Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar Ka Mida Madaxda Kulmiye Oo Shubay Lacagta Shuruuda Looga Dhigay Tartanka Hoggaanka Xisbiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar Ka Mida Madaxda Kulmiye Oo Shubay Lacagta Shuruuda Looga Dhigay Tartanka Hoggaanka Xisbiga

 kulmiye.jpg

 

Siyaasiyiinta uu damacu ka hayo Hoggaanka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa la sheegay inay qaarkood Shubeen Lacagihii ay Guddiga qaban-qaabadu Shuruudda kaga dhigeen Ciddii tartanka ka qayb-galaysa.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in siyaasiyiinta illaa hadda Lacagtaa shubay isla-markaana u diyaar-garoobay inay ka qayb-galaan Tartanka Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ay ka mid yihiin

  1. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo u tartamaya Guddoomiye-nimada Xisbiga KULMIYE oo uu doonayo inuu sii hayo Shanta sanadood ee soo socda.
  2. Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo u tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad oo isagu hadda hayo.
  3. Xuseen Aadan Cadde oo u tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga oo uu isagu hadda hayo.
  4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo u tartamaya Jagada Guddoomiye ku-xigeen 4-aad.

Tartanka saaxadda KULMIYE ku soo biiray ee Wasiir Saajin oo ah Nin ku cusub tartanka Xisbiga KULMIYE ayaa xiiso gaar u yeelaysa Baratanka, waxaana muuqata inuu la tartamayo Madaxweyne ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadda ah Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga.

Ugu dambayn, Qaderka lacageed ee Musharraxiinta laga doonayo ayaa dhan min 10 kun oo dollar oo Musharraxiinta Guddoomiye ku-xigeennada ah iyo min 15 kun dollar oo laga doonayo Musharraxiinta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this