Deeq A. Posted September 1, 2020 Jubbaland ayaa hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka (NISA) iyo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ku eedeesay inay faragin ku burburiyeen maamulka heer degmo iyo heer gobolka ee Gedo. War-saxaafadeedka soo baxay maamulka gobolka Gedo ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in NISA iyo xafiiska madaxweyne Farmaajo tan iyo dhammaadkii sanadkii hore gobolkaas ku soo daabulayeen ciidamo loo isticmaalay dano siyaasadeed iyo abuurida jabhad cusub oo sababtay in ay degmada Baladxaawo ka barakacaan dad ka badan 50,000 oo qoys. Maamulka Gedo ee Jubbaland ayaa dowladd federaalka, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ugu baaqay inay si deg deg ah wax uga qabtaan xaaladda Gedo.War ka soo baxay maamulka Gedo ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ka degay magaalada Muqdisho, sidoo kale shirkii Dhuusamreeb 2, ay dowladda federaalka iyo Jubbaland ku heshiiyeen in la dhameeyo xiisadda gobolka Gedo. hoos ka akhriso war-saxaafadeedka maamulka Gedo. PUNTLAND POST The post Jubbaland oo eedeyn u jeedisay dowladda federaalka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites