Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay kulankii Axmed Madoobe, Deni iyo Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa kulan degdeg Garoonka Muqidsho kula yeeshay Madaxweynayaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, isla markii ay ka degeen Garoonka Muqdisho.

Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto oo dadaal ku bixiyey in shirka Muqdisho ee saddex geesoodka ah uu dhaco, kuna qanciyey Madaxweyne Farmaajo inuu la kulmo madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegay inuu damaanad qaade ka yahay heshiis kasta oo dhex mara labada dhinac ee ku saabsan Doorashada 2020/2021.

Maamulka Jubbaland oo war kasoo saaray kulankaan ayaa sheegay in kulankan uu Madaxweyne Axmed Madoobe kula wehlinayey Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumad Maxamuud isla markaasna looga hadlay Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyadoo la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii Doorasho heshiis lagu yahay ay uga dhici lahayd dalka.

Sidoo kale Jubbaland ayaa sheegtay in Donald Yamamoto la wadaagtay Xaaladdaha dowladda dhexe ka abuurtay gobolka Gedo sida ay illo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimadda Online.

Waxaa lagu wadaa in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay safiirka la wadaagaan qoraal ku saabsan qodobadda ay diidan yihiin ee Heshiiskii Doorashada Dhuusmaareeb 3 ay ku saxiixeen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Galmudug, Hirshabeelle, K/Galbeed oo uu wehliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kadibna uu shir u furmo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Donald Yamamoto ayaa isla garoonka Muqdisho kulan kula yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo K/Galbeed isla markii ay kasoo laabteen shirkii Dhuusmareeb 3, kaasoo ay ka dhalatay in shir kale la qabto si loo dhammeystiro Heshiiska Doorashada Dhuusamareeb 3.

Puntland iyo Jubaland ayaa midkoodna ka qayb-gelin Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana ay sheegeen in aysan qayb ka hayn heshiiskii lagu gaaray Shirkaas.

Wadooyinka Magaaladda Muqdisho ayaa inta badan la xiray waxaana warar kale duwan ka soo baxayaan sababta loo xiray oo ay ka mid tahay isbadal lagu samaynayo taliska Booliska Soomaaliyeed.

The post Maxaa looga hadlay kulankii Axmed Madoobe, Deni iyo Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this