Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil muwaadin Soomaaliyeed loogu geystay gudaha wadanka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xamuud Aadan Dhiblaawe, kaas oo lagu dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo burcad Afrikan ah ay weerar ku qaadeen marxuumka oo uu markii hore soo gaaray dhaawac, balse markii dambe u dhintay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Koonfur Afrika, balse ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen dhacdada kadib.

Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa sii kordhayey dilalka iyo weerarada ka dhanka ah Soomaalida ee ka dhaca wadanka Koonfur Afrika.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this