Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo shaaciyey tirada duqaymaha uu sanadkan fuliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa shaaca ka qaaday in 2020 uu Soomaaliya ka fuliyay 46 duqaymo cir ah oo lagu bartilmaameedsaday Xoogga Al Shabaab iyo Daacish faraceeda Soomaaliya.

Kornayl Chris Karns, Agaasimaha Arimaha Bulshada ee taliska militariga Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay sii wadayaan tababarada ciidamada Soomaaliya ayna ku taageerayaan howlgalada duqaymaha ah ee Soomaaliya ka socda.

“Al Shabaab waa cadow khatar ah oo ku wajahan Soomaaliya, deriskeeda, iyo Mareykanka” ayaa laga yiri bayaanka Africom oo Al Shabaab ku eedeeyay in ay ku kacaan falal lagu cabsi galinayo Shacabka.

“Waxa ay ku kaceen falal isdaba-joog ah oo rabshado wata iyada oo aan loo aabayeelin Shuruucda Colaadda Hubeysan, oo ay ka mid yihiin in rayidka ah waxyeello soo gaarto” Africom ayaa sidaasi tiri.

“Al Shabaab waxa ay si joogto ah u weeraraan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ciidamada militariga, iyo kuwa la shaqeeya Ciidamada Soomaaliya, Mareykanka, iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah”,ayaa lagu yiri qoraalka Africom. Waxa ay ku eedeysay al Shabaab in ay soo bandhigaan macluumaad been abuur iyaga oo tusaale u soo qaatay sheegashada Al Shabaab ee ku saabsan in ay dileen Ciidamado Ameerikaan ah.

Mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay sheegay in hal qof oo rayid ah lagu dilay seddex kalena lagu dhaawacay duqeyn cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya bishii Febraayo, waana markii labaad oo uu qirto dilka shacabka tan iyo markii uu billaabatay warbixinno saddex-biloodle ah oo ku saabsan dadka rayidka ah ee wax ku noqday hawlgallada ay ka wadaan Afrika.

Qirashadii ugu horreysay ee Africom waxa ay ahayd duqeyn diyaaradeed oo bishii Abriil 2018 ka dhacday degmada Ceel Buur ee gobolka Galguduud bartamaha Soomaaliya taas oo Africom ay ku sheegtay in ay si aan ula kac ah u dileen laba qof oo rayid ah.

Warbixinta qiimeynta qasaaraha rayidka ee AFRICOM ee la daabacay bishii Abriil ayaa lagu sheegay in laba qof oo rayid ah lagu dilay saddex kalena lagu dhaawacay duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya horaantii 2019.

Ku dhowaad 15 sano Al Shabaab waxa ay waday olole qaraxyo iyo toogasho ah oo ay la beegsaneysay bartilmaameedyo militari iyo dowladeed oo ay ku jiraan hoteello iyo isgoysyada taraafikada ee Soomaaliya iyo waddamada deriska la ah Soomaaliya sida Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this