Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidanka ilaalada Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe.

Ciidamadan oo diyaarad qaas ah ay ka soo qaaday magaalada Kismaayo ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale ciidamadan oo ah kuwo aad u qalabeysan ayaa waxa ay sugi doonaan ammaanka Axmed Madoobe inta uu joojo gudaha Caasimadda.

Siciid Deni ayaa dhankiisa iska soo hormariyey ciidamo badan, kuwaas shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana arrintan ay dad badan ka muujiyeen walaac xoogan.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa wada-hadallo waxa ay la yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo diirada lagu saari doono doorashada 2020/2021.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

118764121_3566998479985539_1445029867515427046_n 118705978_3566998706652183_3537079003961220131_n 118728554_3566998963318824_3468921353326148638_n 118738417_944833396022150_6329438209804379270_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this