Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Soomaali oo loo magacaabay guddoomiyaha degmada Shibis

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha degmada Shibis u magacaabay, Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali).

Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa waxaa lagu faray guddoomiyaha cusub inuu si deg-deg ah xil-ka ula wareego.

Sidoo kale waxaa laga dalbaday hay’adaha amniga inay si u dhow ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Cali Soomaali ayaa ahaa Wariye caan ah, wuxuuna horey uga soo shaqeeyey Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this