Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo xaqiijiyay tirada duqeymaha ay ka geyteen Somalia sanadkan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Africa ayaa xog kasoo saaray duqeymaha ay Soomaaliya ka geysteen sanadkaan 2020, waxeyna xaqiijiyeen iney qaadeen 46 weeraro cirka ah oo ay ku bartilmaameedsadeen kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Agaasimaha arrimaha bulshada ee taliska militariga Mareykanka ee qaaradda Africa (Kornayl Chris Karns) ayaa shaaca ka qaaday iney wali diyaar u yahiin sii waditaanka tababarada ciidanka Soomaaliya, sidoo kalana ay wadi doonaan taageerada hawlgallada duqeymaha.

Chris wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay Qatar weyn ku yahiin Soomaaliya, wadamada dariska ah iyo dowladda Mareykanka.

Bayaanka kasoo maxay taliska waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay geystaan falal amni xumo oo aan kala har laheyn, sidaas darteed ay Qatar ku yahiin qof walba.

Taliska waxey dhawaan qirteen iney markii labaad duqeymahooda waxyeelo ku gaarsiiyeen dad shacab ah, bishii labaad ee sanadkaan ayey saddex qof dhaawaceen, qofna dileen.

Kooxda Al-Shabaab waxey ku dhawaad 20-sano dagaalo ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxeyna mar walba bartilmaameed ka dhigtaan xarumaha dowladda, ciidamada, goobaha la isugu yimaado iyagoo xitaa u tallaabay wadanka dariska ah ee Kenya.

The post Mareykanka oo xaqiijiyay tirada duqeymaha ay ka geyteen Somalia sanadkan first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this